ISLAMABAD (SMN) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta XFS Mud. Axmed Macallim Fiqi iyo wafdigiisa oo booqasho kujooga Pakistan ayaa xalay marti ku ahaa munaasabad casho ah oo uu u sameeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi.
Mas’uuliyiinta labada dal aya si faahfaahsan uga wada hadleen arrimaha federaalka, maamul daadajinta iyo dib u heshiisiinta.
Sidoo kale waxaa isna goobta ka hadlay Wasiirka Qorshayna ee waddanka Pakistaan.