Wasiir Fiqi oo kulan la yeeshay wafuud caalami ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiiisinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa wafdi ka socday hay’adda UNHCR iyo Ambassador Jamaal Xasan oo ah Agaasimaha xarunta sare la qabsiga Cimillada iyo Ilaalinta deegaanka ee loo soo gaabiyo ICECAEP.

Dhinacyada ayaa kulankan uga hadlay qodobbo badan oo muhiim ahaa sida xaaladda barakacayaasha Soomaaliya, kaalinta isbadalka cimillada ee barakaca iyo sida ay abaaruhu uga sii daraan guud ahaa xaaladaha banii’aadamnimo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee XFS mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa waxaa uu hadalladiisa xoogga ku saaray dhibaatada haysata ilaa 3 milyan oo barakacayaal ah, isaga oo hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in laga gudbo xalka gargaarka ee xaaladaha degdegga ah oo loo gudbo xalwaara oo looga jawaabayo baahidooda.

Andrew Harper, oo ah lataliyaha gaarka ee UNHCR ee wax kaqabashada Cimmilada oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wax ka qabshada dhibaatooyinka isbadalka cimmilada, iyada oo waliba la raacayo xal ay hoggaann ka tahay Soomaalida.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here