Wasiir hore Deeqa oo maxkamad la tiigsatay nin caan ka ah baraha bulshada

0

 HAGUE (SMN) – Wasiiradii hore ee haweenka iyo horumarinta xaquuqul-insaanka Deeqa Yasin Haji ayaa Khamiistii maxkamad la fuushay nin caan ka ah baraha bulshada oo haysta dhalshada dalka Netherlands, kaasoo magaciisa lagu sheegay Abdulkadir A. sida uu qoray wargeyska Volkskrant ee ka soo baxa dalka Netherlands.

Dhageysiga dacwada maxkamada ayaa ka dhacday magaalada Hague, iyadoo Abdulkadir A. oo sidoo kale loo yaqaan (Robeerto) lagu eedeeyey inuu duubay muuqaalo uu dil ugu hanjabay wasiiradii hore Deeqa Yasin sanadkii 2020 xilligaasoo ay wasiir ka aheyd xukuumadii Xasan Cali Kheyre.

Muuqaalkaasi oo uu soo dhigay bartiisa facebook-ga ayuu Abdulkadir ku yiri “Waa in la dilaa haweeneydan.” “Waxaan u sheegayaa Al-Shabaab inay toogtaan haweeneydan dibnaha cas.” “Aniga ayaa qaadaya mas’uuliyadda dhimashadeeda.”

Garsooraha maxkamada ayaa ku xukumay Abdulkadir ganaax ah inuu qabto 80 saacadood oo shaqo adeeg bulsho ah iyo hal bil oo tijaabo ah oo uusan baraha bulshada kaga hadli Karin wasiiradii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here