Wasiir Jamaal oo ka falceliyey doodii baarlamaanka UK ee Somaliland

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Qorshaynta ee dowladda Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa si adag uga jawaabay qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay xildhibaan Gavin Williamson oo ahaa xildhibaankii aqalka barlamaanka UK horgeeyay mooshinka looga doodayay aqoonsiga Soomalailand.

Wasiir Jamaal ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Tani waxay dhab ahaantii muujinaysaa jaahilnimadaada ku aadan xaaladda gudaha ka jirta. Qof si sharaf dhac leh looga ceyriyay shaqadii uu dowladdiisa u hayay ka dib markii uu dusiyay sirar la xirriira amniga qarankiisa ma aha inuu farageliyo arrimaha gudaha ee dal madaxbanaan.”

Xildhiaban Gavin oo dooda u soo bandhigayay xubnaha aqalka baarlamaanka ayaa sheegay in la joogo xilligii ay UK aqoonsan lahayd Somaaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here