Wasiir Khadiijo Diiriye oo hortegtay guddi ka tirsan Golaha Aqalka Sare + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee BFS oo maanta xafiiskood Aqalka Sare ugu yeeray  masuuliyiinta Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha ayaa ka xog-waraystay howlaha shaqo ee wasaaradda.

Kulanka oo ku bilowday isbarasho guud ayaa la isku dhaafsaday warbixinno, su’aalo iyo xogo kale oo ku saabsan hanaanka shaqo ee Wasaaradda Haweenka yo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha iyada oo ay si faahfaahsan guddiga warbixin u siiyeen Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye iyo xubnihii kale ee la socday oo ay ka mid ahaayeen wasiir Kuxigeenka wasaaradda Cabdixakiim jimcaale, agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo xubno kale

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xaquuqul Insaanka Aqalka Sare Senator Naciima Xasan Xaaji Maxamuud {Gadhwayne} oo kulanka soo xirtay ayaa uga mahad celisay massuuliyiinta Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqda Aaadanaha sida wanaagsanayd ee ay uga jawaabeen su’aalihii ay qabeen iyo warbixinta ay ka siiyeen howlaha Wasaarada.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here