Wasiir ku xigeenka caafimaadka oo qaabilay wafdi ka socda Talyaaniga

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federalka Somalia Xildhibaan Dr. Mohamed Hassan Mohamed Bulaale oo kulan la qaatay Safiirka Dowlada Taliyaaniga, iyo Madaxda Hay’adda Horumarinta iyo iskaashiga Taliyaaniga.

Kulankaan ayaa looga hadlay dardargelinta mashaariicda Dowlada Taliyaaniga iyo maalgellinta ku aadan horumarinta iyo tayaynta Adeeg bixinta Caafimaadka.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu lafo guray xallinta caqabado jiray oo la xiriira dhanka maamulka mashaariicda oo qeyb ka ah xal u hellidda caqabqdaha ku gedaaman Caafimaadka Dalka.

Dowladda Taliyaaniga ayaa qayb wayn ka qaadata horumarinta Adeegga cafimaadka dalka oo ay ku jirto Dhismaha iyo Dib uhowlgelinta Cisbitaallo iyo horumarinta adeeggyada cafimaadka guud ee Dalkeena.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here