Wasiir Jamaal oo faah faahiyey waxa ay isku hayaan madaxda Puntland

0

GAROOWE (SMN) – Wasiirka wasaaradda qorsheynta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo khudbad ka jeediyey munaasabad ka dhacday Garoowe ayaa soo hadal qaaday khilaafka kala dhexeeya madaxda sare ee dowlad goboleedka Puntland.

Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in isaga iyo Saciid Deni ay isku hayaan arrimo dhaqaale iyo kala aragti duwanaasho siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxda Puntland waxa aan isku qabanay dhaqaalaha & siyaasad kala duwanaanta, wax gaar ah iskuma heyno balse keliya waxa ay igala soo xiriirayeen intii aan isku fiicneen mashaariic in aan siiyo & u shaqo gelinta dad ehel dhaw ay yihiin, Siyaasadda hadda dhaceysa oo keliya ay ka eegayaan doorashada hadda dhaceyso” ayuu yiri wasiirka Jamaal.

Shalay ayey aheyd markii kolonyo uu la socday wasiirka qorsheynta lagu celiyey duleedka Garoowe, iyadoo mar dambe oo laga reebay ilaalada loo ogolaaday inuu galo magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here