Wasiirka amniga maamulka Galmudug oo la kulmay saraakiil ka socotay AFRICOM

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wasiirka wasaaradda amniga gudaha Galmudug Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa caasimadda Galmudug kusoo dhoweeyay wafdi ka socday AFRICOM, kuwaas oo maanta soo gaaray Galmudug.

Wasiirka ayaa wafdiga soo gaaray Dhuusamareeb la yeeshay kulan, waxaana looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin in ay iska kaashadaan la dagaalanka Al-Shabaab.

Wasiir Gaboobe ayaa AFRICOM uga mahadceliyay doorkooda ku aaddan la dagaalka argagaxisada iyo sida ay xilli kasta ugu heellanyihiin in ay bulshada Soomaaliyeed ku garab siiyaan in ay iska dulqaadaan argagaxisadan dhiiggooda banneystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here