Wasiirka amniga oo soo saaray dalab la xiriira xariga Sheekh Mukhtaar Roobow

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka amniga Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa faray ku simaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka in 48 saac uu ku soo gudbiyo warbixin la xiriirta xariga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo loo yaqaano (Abuu Mansuur).

Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay inay cabasho kasoo gaartay ehellada Sheekh Roobow, isla-markaana ay dalbanayaan cadaalad, maadaama uu xiran yahay muddo saddex sano ah.

“Waxa la farayaa ku simaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka inuu soo gudbiyo warbixin dhammeystiran oo la xariirta xariga Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur),” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska wasiirka amniga Soomaaliya.

Halkan hoose ka aqriso:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here