Wasiirka amniga Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayey oo qarax lala eegtay

0

Faah faahino dheeraad ayaa waxaa laga helayaa qaraxa nooca miinada dhulka lagu aaso oo maanta lala eegtay gaadiid kolonyo ah oo ay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Mas’uuliyiinta la socday kolonyada qaraxa lagu weeraray ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamad Gallan, Taliyaha Ciidamdda Daraawiishta Puntland Yaasiin Cumar Dheere iyo Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Abwaan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay agagaarka magaaladda Balli-dhidin, waxaana la xaqiijiyey in hal askari uu ku dhintay qaraxaas, halka labo kalena uu dhaawac soo gaaray.

Sidoo lale askarta dhaawacantay ayaa waxaa lagu soo warramayaa in la geeyay isbataalka Balli-dhidin oo ka tirsan gobolka Bari.

Mas’uuliyiintii la socday kolanyada gaadiidka ah ee la weeraray ayaa ka bad-baaday qaraxaasi, mana jiro waxyeelo ka soo gaartay miinada lala beegsaday.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana mas’uuliyiinta Puntland ee uu qaraxu haleelay ay sii wateen socdaalkooda, iyaga oo booqasho ku marayo deegaano ka tirsan gobolka Bari ee maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here