Wasiirka arrimaha dibadda JFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Qatar

0

DOOXA (SMN) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Abdirisaaq Maxamauud ayaa maanta la kulmay dhiggiisa dowladda Qatar mudane Shiikh Maxamed bin Cabdiraxmaan Al-thani.

Labada wasiir ayaa ka wada hadalay xoojinta iyo horumarinta xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal

Labada mas’uul ayaa sidoo kale isku soo qaaday xaaladaha ka jira gobalka iyo caalamka.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Xuuseen Rooble ayaa lagu wadaa inuu gaaro galabta dalka Qatar, kadib markii uu casuumaad ka helay amiira dowladda Qatar Amiir Tamiim bin Xamad Al-thani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here