Wasiirka arrimaha dibadda oo faah faahiyey sababta loo ceyriyey Simon Mulongo

0

MUQDISHO (SMN) -Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta dalka looga ceyrinayo ku xigeenkii wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Mr Mulongo uu ku dhaqaaqay wax ka baxsan sharciga loo igmaday ee uu dalka ku joogo, isagoo xusay in uu horey u qabay digniin dhowr ah;, balse hadda ay Dowladda ka qaadatay go’aan cad oo ah in uu dalka uga baxo muddo todobaad ah.

“Wax ka baxsan howlihiisa gaarka ah ayuu fara la galay, waana mid ka baxsan heshiiska uu dalka ku joogay, sidaas ayaana keentay inaan dalka ka erino”. Ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq.

Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in tani ay muujineyso sida dowladda Soomaaliya aysan u ogoleyn diblomaasiyiinta inay iska sameystaan wax iyaga u gaar ah oo baal marsan heshiiska ay dalka ku joogaan, isla markaana aysan waxba u dhimeynin cilaaqaadka ay dowladdu la leedahay Ururada caalamiga ah.

“Qaranimadeena, qabkeena, iyo dowladnimadeena waxaa sharaf u ah, in Soomaalidu ugu dambeys ay iyagu mas’uul ka noqoto amnigeeda”. Ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here