Wasiirka arrimaha dibadda oo kulan la yeeshay safiirka Turkiga + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Mehmet Yilmaz.

Wasiirka ayaa Yilmaz kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee ka dhexeeya labada dawladood iyo sidii loo sii horamarin lahaa.

Intii kulanka lagu guda-jiray, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxa uu uga mahadnaqay dawladda Turkiga taageerada muuqata ee ay la garab istaageen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here