Wasiirka arrimaha dibadda oo la kulmay Danjiraha Midowga Yurub + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Marwo Tiina Intelmann, oo booqasho sharafeed ugu Timid, iyaga oo ka wada hadlay danaha dheef-wadagga ah ee labada dhinac.

kunkanka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjiraha Midowga Yurub ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinka iskaashiga iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub ee dhinacyada amniga, horumarinta iyo dhaqaalaha.

Maalmihii u dambeeyey wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waday kulamo wada-tashi ah oo ku xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here