Wasiirka arrimaha dibadda oo shir muhiim ah uga qeyb-galayo Pakistan

0

ISLAMABAD (SMN) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Islamabad ee caasimadda dalka Pakistan.

Wasiirka waxaa garoonka diyaaradaha ee magaladaas ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee dalka Pakistan, wafdiga uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa magaalada Islamabad uga qeyb galaya shirka 17-aad ee ururka iskaashiga islaamka (OIC), kaas oo ay ka qeyb galayaan wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka islaamka ee ku midoobay ururkan.

Safiirka safaaradda Soomaaliya ee dalka Pakistan Marwo Khadiijo Maxamed Al-makhzoumi, ayaa sheegtay in wasiirka iyo wafdigiisa ay magaalada Islamabad u tageen ka qeyb galka shir beri furmaya, kaas oo looga hadlayo arrimaha dalka Afgaanistan iyo sidii loo caawin lahaa shacabka dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here