Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Pakistan

0

ISLAMABAD (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, oo ka qayb galay Shirka aan Caadiga ahayn ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa kulan-doceed la qaatay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee dalka Pakistan Mudane Shah Mahmood Qureshi.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah uga wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadida iskaashiga Soomaaliya iyo Pakistan.

Sidoo kale labada wasiir ayaa kulankooda diirradda ku saaray adkaynta iskaashiga iyo wax wada qabsiga Soomaaaliya iyo Pakistan ee dhinacyada diblomaasiyadda, amniga, ganacsiga, sayniska iyo tiknoolojiyadda, iyaga oo isla gartay in labada dal ay dhowaan wada garaan heshiis iskaashi oo ku saabsan arrimahaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here