Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo kulan la yeeshay dhiggiisa Masar + Sawirro

0

QAAHIRA (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Sameh Shokry ayaa Isniintii shalay kula kulmay magaalada Qaahira dhiggiisa Soomaaliya Absher Omar Harusue, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal oo Midowga Afrika iyo Jaamacada Carabta kawada tirsan.

Wasiir Absher ayaa qeyb ka ah wafdiga Ra’iisul Wasaare Xamza ee booqanaya Masar oo dalkaasi ku jooga booqasho 3 maalmood qaadanaysa.

Wasiir Shokry ayaa hoosta ka xarriiqay in Masar ay si buuxda uga taageerayso Soomaaliya dhanka argagixisada iyo sidii uu ula tacaali lahayd caqabadaha bini’aadantinimo iyo kuwa horumarineed ee ka dhashay abaaraha. Taas oo ay dheer tahay bixinta gargaar caafimaad iyo cunto.

Wasiirka Masar ayaa tilmaamay in Masar ay aad u daneyneyso ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya, iyadoo la eegayo halka ay ku taallo istaraatiijiyada badda cas iyo gacanka cadmeed, sida lagu sheegay war saxaafadeedka.

Labada wasiir ayaa isla soo qaaday heshiisyada is-afgaradka ah ee ay saxiixi doonaan ra’iisul wasaaraha labada dal inta ay ku guda jiraan booqashada, iyo xaaladda amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika, iyo weliba sidii loo taageeri lahaa geeddi-socodka nabad-ilaalinta ee ay wadaan Midowga Afrika.

Dhankiisa, Wasiirka Soomaaliya ayaa bogaadiyay wadashaqeynta Masar ee dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada iyo kuwa kale, isagoo muujiyay kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan Masar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here