Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo warbixin cusub soo saaray

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa faah-faahin ka bixiyey dadaallada ay waddo DFS iyo goobaha ugu daran ee saameynta ay ku yeelatay abaartu.

Fiqi ayaa sheegay in abaartani ay tahay tii ugu darnayd muddo 40 sanno ah,  taas oo saameysay dad gaaraya 6.9 milyan qof  oo u dhiganta 42% guud ahaan dalka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in abaartu ay deegaannadoodii ka barakicisay 894 kun oo qof, si ay u helaan biyo iyo baad, halka 1.5 milyan caruur ahi la ildaran yihiin nafaqo darro.

Soomaaliya ayaa waxaa ku dhufatay abaar baahsan oo ka jirta koonfurta iyo bartamaha dalka, iyada oo haatan laga digayo xaalado macluul ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here