Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo kulamo ka wada dalka Masar + Sawirro

0

SHARMA SHEEKH (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Madoobe Nuunow (Axmed Baashi) oo maalmahaan safar shaqo ku joogay dalka Masar ayaa halkaas kaga qayb-galay shirkii cimillada Adduunka ee ka qabsoomay magaalada Sharm-El-Sheikh.

Wasiir Axmed Baashi ayaa Shir doceedyo miro-dhal ah la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka Mr. Juergen Voegele oo ay wehelinayso agaasimaha gobolka ee horumarinta waarta (regional director Sustainable development)Marwo Ayat Suleymaan.

Wasiir Axmed Baashi ayaa sidoo kale kulan la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka IFAD Mr. Donal Brown iyo agaasimihiisa gobolka ee IFAD Marwo Dina Saleh. Waxayna ka wadahadleen in si buuxda oo qoto dheer dib loogu hawl galo Horumarinta Beeraha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here