Wasiirka caafimaadka XFS oo kulan la qaadatay wafdi ka socda Sweden

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Drs Fawsiya Abiikar Nuur ayaa xarunta dhaxe ee Wasaaradda Caafimadka ku soo dhawaysay Wafdi uu hugaaminayay Agaasimaha guud ee Hay’adda Caafimaadka guud ee dalka Sweden Dr Johane Carlson iyo ku xigeen kiisa oo ay wehliyaan Safiirka Sweden, Madax ka socotay Hay’addaha Caalamiga ah oo uu wehliyo Prof Khaliif Bile. Soo dhawaynta waxaa qayb ka ahaa Agaasimayaasha Wasaaradda Caafimaadka iyo Agaasimaha Machadka Qaran Caagimaadla ee Soomaaliya (NIH).

Wafdiga ayaa isla maanta booqday isbitaal Guud ee Demartino, halkaas oo ay kula kulmeen Agaasimaha guud ee isbitaalka iyo madaxda kale, si ay u qiimeeyaan xaaladaha Caafimaad ee ka socdo isbitaalka iyo sidii loo horumarin lahaa, korna loogu qaadi lahaay adeega Caafimaadka ee isbitaalku siiyo Bulshada.

Hay’adda Swedish Public Health Agency ayaa waxay matano la tahay Machadka Qaranka ee Caafimaadka Soomaliya (NIH) oo xaruntooda dhexe la filaayo in mardhaw laga dhiso Isbitaalka guud ee Demartino.

Ugu dambayntii Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Drs Fawsiya Abiikar Nuur ayaa uga mahad celisay booqashada wafdiga, kuwaas oo muddo 3 cisho ah u joogi doona hawlo shaqo dalka gudihiis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here