Wasiirka Cadaalada oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar

0

QAAHIRA (SMN) – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa maanta Safaaradda soo dhaweyn diiran ugu sameeyay Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/qaadir Maxamed Nuur oo safar shaqo ku jooga masar.

Wasiirka ayaa Danjiraha iyo Dhammaan Diblomaasiyiinta uga mahadceliyay hab maamuuska quruxda leh ee loo soo dhaweeyay waxaana uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay booqashadaan isagoo si gaar ugu amaanay Danjire ilyaas howlkarnimadda iyo soo celinta bilicdii Safaaradda oo wax badan laga bedalay kuna bogaadiyay shaqadda wanaagsan ee Qaranka u haayo .

Inta kadib Wasiirka oo kulan gaar ah la yeeshay Diblomaasiyiinta safaaradda ayaa uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka isago kulla dardaarmay iney u dhabar adeegaan howsha culus ee ay dalka u hayaan.

Ugu danbeyn Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa xafiisyadda Safaaradda ee loogu adeego Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar kusoo wareejiyay Wasiirka oo halkaasi kulla kulmay qaar kamid ah Muwaadiniin Soomaaliyeed oo xiligaas loo shaqeenayay kuwaas oo shaqaalaha safaaradda ku bogaadiyay sidda hufan ee ay Jaaliyadda ugu adeegaan iyo isbedalka muuqda ee Safiir Ilyaas kuso kordhiyay Safaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here