Wasiirka Cadaaladda oo la kulmay safiirka Sweden ee Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo booqasho rasmi ah ku tegey Xafiiska Safaaradda Sweden ee Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Safiirka Safaarada Mr. Per Lindgarde, Madaxa hurumarinta Mashaariicda Mr. Petra Smitmanis Dry iyo Lataliyaha sare ee sareynta sharciga (rule of law expert) Ms. Sophie Omoro.

Wasiirka Cadaaladda ayaa kala hadlay madaxda Safaaradda xoojinta wadashaqeynta iyo garab-istaaga bahda Cadaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya. sidoo kale, waxaa ku wehliyey booqasha Lataliyaha sare ee Siyaasadda iyo Istiraatiijiyadda Mr. Ibraahim Cabdullaahi Aadam.

Ugu dambeyn, iyada oo la eegayo xiriirka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee ka-dhexeeya Safaaradda Sweden iyo Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya ayaa waxa ay isku raaceen in Safaaraddu qeyb muhiim ah ka qaadato dar-dar galinta iyo taageeridda Mashruucyada lagu tayeynayo Sare u qaadista adeegyada Cadaaladda ee Dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here