Wasiirka cadaaladda Soomaaliya oo kulamo ka wada Waajid + Sawirro

0

Dhalinyarada ayaa wasiirka la wadaagay in baahida ugu weyn oo ay qabaan ay tahay inay helaan Amaan iyo xarumo ay waxkubartaan si ay jiilka iyaga la mid ah wax u la qaybsadaan, iyaga oo muujiyay in aysan wax niyad jab ah ku hayn caqabada ay kala kulmayaan Maleeshiyada Al-Shabaab.

Wasiirka Caddaalada Soomaaliya  Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa dhalinyarada u sheegay in marnaba ay cabsi galin culeeska argagixisada isaga oo kula dardaarmaya in muhiimada ay saaraan waxbarashada oo fure u ah mustaqbalka qof waliba oo dhalinyara ah.

Sidokale Wasiirka Caddaalada iyo gudoomiyaha degmada waajid  ayaa la kulmay odaasha dhaqanka kulankaas oo  si weyn loogu soo hadal qaaday  caqabadaha haysta shacabka degmada ku nool iyo sidii loogu furi lahaa  wadooyinka u xeran Al -Shabab  si ay u soo laabato   Nolosha iyo hormarka bulshada waajid.

Markiii uu kulankaas soo dhammaaday ayaa waxaa warbaahinta qaranka la hadaly qaar kamid ah odaayaasha dhaqanka ee  kulanka la qaatay wasiirka.

Wasiirka Caddaalada oo maalmahaan ku sugan degmada waajid ayaa kulamo gooni gooni ah la lahaa shacabka iyo maamulka degmada waajid ee gobolka Bakool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here