Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Soomaaliya oo xilka loo dhaariyey

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda FS Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Pekos ayaa Munaasabad ka dhacday  Xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda Golaha Shacabka ee Villa Hargaysa waxaa loogu dhaariyey xilka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Wasiirrada oo uu dhaariyey Hab-dhowraha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka FS Xildhibaan Maxamed Cabdilaahi Xasan ayaa waxaa munaasabadda dhaarintooda ka qayb galay xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda ee Xukuumadda iyo Baarlamaanka.

Ka dib munaasabadda dhaarinta, Wasiirka iyo Wasiir Ku-xigeen Wasaaradda Arrinaha Dibadda ayaa booqasho iyo salaan ugu tegey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka FS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, isaga oo  guddoomiyuhu ugu hambalyeeyey Wasiiradda mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday, una rajeeyey in Eebbe u fududeeyo gudashadeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here