Wasiirka Diinta iyo Awqaafta XF Soomaaliya oo digniin culus soo saaray

0

MUQDISHO (SMN) -Wasiirka Awqaafta iyo Diinta xukuumadda Soomaaliya ayaa ka digay in cawaaqib adag la marsiin doono cidkasta oo lagu qabto iyadoo isitcmaalaysa ama ka ganacsanaysa maandooriyaha.

Sheekh Cumar Cali Rooble ayaa sidoo kale sheegay in ay dhalinyarada uga digayaan in si khaldan ay u adeegsadaan baraha ay bulshadu ku wada xiriiraan, gaar ahaan TiKTok.

Wasiir ka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay waxa ka socdo TikTok ga waxana uuna sheegay in saameyn weyn ku yeelanayso akhlaaqda da’yarta soo koreysa.

“Wanaagga iyo xumaha guriga ayuu kasoo bilowdaa, annaguna waalidiinta Soomaaliyeed aan ka codsanay in ay akhlaaqda ubadkooda ilaaliyaan oo anshaxooda ilaaliyaan” ayuu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here