Wasiirka gaadiidka & duqa Muqdisho oo ka wada-hadlay horumarinta garoonka

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarunta aqalka dowlada hoose ee Xamar kulan kula qaatay Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee XFS Soomaaliya , Mudane Durraan Axmed Faarax iyo Mas’uuliyiin kale.

Kulankan oo muhiimad gaar ah lahaa ayaa wax yaabihii looga hadlay waxaa kamid ahaa sidii dib u habeyn ballaaran loogu sameyn lahaa garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho gaar ahaan in gegida loo sameeyo qeyb gaadiidka la dhigto iyo sidoo kale in laga taxaddaro dhibaatada ka dhalan karta taawarrada dhaadheer ee madaarka hareerahiisa ku yaalla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here