Wasiirka Gaadiidka oo kulan la yeelatay shirkadaha diyaaradaha+ Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ah ee Soomaaliya Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa kulan looga hadlay sidii isbeddel loogu sameyn lahaa hannaanka saacadaha duulimaad ee shirkadaha diyaaradaha maxalliga ah la qaadatay guddiga maamulka shirkadaha diyaaradaha ee ka shaqeeya gudaha dalka.

Wasiir Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa sheegtay in Wasaaradda iyo maamulka shirkadaha diyaaradaha ay isla gaareen, in tallaabo deg deg ah iyo ganaax laga qaadi doono diyaaraddii dib uga dhacda waqtiga duulimaadka.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa wasiir ku-xigeenka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, mudane, Sulub Axmed Firin , agaasimaha guud ee wasaaradda, maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka, maareeyaha garoonka Aadan Cadde iyo hoggaanka guddiga maamulka shirkadaha diyaaradaha Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here