Wasiirka Gaashaandhigga oo Jarmalka & Kenya kala hadlay dagaalka Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac Muqdisho kulan kula qaatay safiirka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya ayaa kala hadlay Taakuleeynta Ciidanka XDS, gaar ahaan dhinaca howgalada socda.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Jarmalka kaalinta ay ka qaadato doorkooda ku aadan taageeridda ay siiyan Ciidanka Xoogga Dalka.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo la kulmay Danjire Gn Rtd Thomas Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya ayaa waxa ay ka wada hadleen Qorshaha ladagaallanka Al-Shabaab iyo sidii Dowladda Kenya ay ugala shaqeen laheyd howlgallada haatan ka socdo gobollada dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here