Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la yeeshay golaha nabadda ee Midowga Afrika

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji,  ayaa ka qeyb galay  kulan ay yeesheen Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika.

Kulanka oo ku qabsoomay Aaladda Fogaan aragga ee (Zoom-ka)  ayaa looga hadlay Qorshaha ay Dowladda Soomaaliya kula wareegi lahayd Amniga Dalka iyo qorshaha bixitaanka Ciidamda Amisom, iyo sidokale hanaannkii  Ciidamada Xoogga Dalka  ay u Hoggaamin lahaayeen Howlgalada ka dhanka Argagixisadda.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS,  Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in Dowladda Fedaraalka Soomaaliya, ay dadaal Xoog leh galisay Tababaridda iyo Tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, isla markaana ay ka go’antahay Xaqiijinta Amniga guud ee Dalka.

Kulankan ayaa daba Socaday kulamo Midowga Africa iyo Dowladda Fedaraalka Soomaaliya, ay ka yeelanayeen Xaalada Kala Guur Ciidanka oo Qorsheheedda Mudo Soo Socday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here