Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo la kulmay wafdi ka socda UK

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Muqdisho kula kulmay Wasiirka Ciidanka UK, kaasi oo ay ka wada hadleen arrimo badan.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay oo diiradda saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo sidii UK ay u xoojin lahayd taageerada dhanka ciidamada, si loo dardargeliyo tababarida ciidamada qalabka sida.

“Waxaan magaalada Muqdisho kulan kula qaatey Wasiirka Ciidanka UK JSHeappey. Waxaan ka wada hadalnay taageerada UK ay siiso guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Hay’adaha amniga dalka xilligan xasaasiga ah ee kala guurka iyo ka dibba”. Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here