Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliye Odowaa oo gaaray Kismaayo + Sawirro

0

KISMAAYO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Jubbaland.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka Kismaayo ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo Saraakiil Ciidan.

“Waxaan u mahad celineyna Maamulka Jubaland, Madaxwynaha, Wasiirada, Xildhibaanada labada heer iyo taliyayaasha Ciidamada oo soo dhoweyn diiran noo sameeyey” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga.

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here