Wasiirka Haweenka oo qaabishay saraakiil ka socotay Finland

0

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim oo uu wehliyo agaasimaha guud ee Wasaaradda, mudane Isxaaq Xaashi Jimcaale, ayaa maanta kulan kula yeeshay xafiiska Wasiirka, mas’uuliyiin ka socota safaaradda Finland ee Soomaaliya, ayagoo ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta labada dhinac.

Qodobada kulankooda diiradda ay ku saareen ayaa waxaa kamid ahaa; xaqiijinta qoonddada haweenka ee 30%, dardar gelinta shuruucda kala duwan ee Wasaaradda Haweenka hor tebinta u leh iyo arrimo kale.

Mas’uuliyiinta safaaradda Finland ayaa waxaa ay kala ahaayeen; Maiju Lepomakr oo ah u qeybsaha mashaariicda safaaradda ee Geeska Afrika iyo Mauri Starcrman oo ah isu duwanaha barnaamijyada ee Soomaaliya.

Kulanka wuxuu ku soo dhammaaday is af garad ku qotoma wada shaqeyn iyo iskaashi labada daraf oo ah, Wasaaradda Haweenka iyo safaaradda Finland ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here