Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo kormeer sameeyey + Sawirro

0

Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa hawl kormeer ah u tagay Furdada Cashuuraha ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo ka mid ah ilaha dhaqaalaha dalka.

“ Waxa aan labadii maalin ee la soo dhaafay ku howlaneyn kormeerka Furdada Cashuuraha ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo ka mid ah ilaha dhaqaalaha ay ka soo galaan dalka, intii aan ku guda jirnay kormeerkii Furdada waxaa inoo suuro gashay  in aan xog wareysano shaqaalaha ku howlan dakhli uruurinta iyo qaar kamid ah ganacsatadii loo adeegayay”.

Sidaas waxaa Boggiisa Facebook ku qoray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda mudane Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Wasiirka ayaa hadalkisa sii raaciyay “Wasaaradda Maaliyadda waxaa ka go’an in ay si daah furan ugu adeegto bulshada Soomaaliyeed iyada oo la dhaqan galinyo hanaanka dib u habeynta Maaliyadda iyo sare u qaadidda Dakhliga gudaha ee dalka”.Ugu danbeeyn Wasiir Beyle ayaa xogwareysi la yeesheen Howl wadeenada ku howlan dakhli uruurinta waxaana uu ku booriyay inay bulshada si daah furan ugu adeeggaan.

Ugudanbeeyntii Wasiir Beyle ayaa xogwareysi la yeesheen Howl wadeenada ku howlan dakhli uruurinta waxaana uu ku booriyay inay bulshada si daah furan ugu adeeggaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here