Wasiirka maaliyadda oo ka warbixiyay horumarka dhaqaalaha dalka

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle oo xafiiska ku qabtay Shirka jaraa’id ayaa ka hadlay horumarka dhaqaalaha dalka, doorashooyinka iyo maamulka dhaqaalaha ee marxaladdan kala guurka.

Wasiir Beyle, ayaa ugu horeyn sheegay in dib u habeynta dhaqaalaha uu ku socdo hannaankii loogu talagalay islamarkaana ay sababtay kor u kaca aaminaada hey’adaha dhaqaalaha dunida oo u diyaariyay deeq dhan hal bilyan oo Doolar oo loogu talagalay horumarinta mashaariicda Bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Wasiirka Maaliyadda ayaa tilmaamay in Marxaladda kala guurka iyo khilaafaadka siyaasiga ah aanay marna saameyn ku yeelan howlaha hey’adaha maaliyadda dalka oo si caadi ah u socda.

Shirka jaraa’id ee Wasiirka wuxuu sidoo kale, ku sheegay jiritaan mashruuca horumarinta dhaqaalaha iyo isku xirka wadamada Geeska Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya, kaasi  oo ay ku baxayso 15 bilyan oo doolar oo badi loogu talagalay dhismaha waddooyinka.

Guulaha laga gaaray wadahadalka deyn dhaafka Soomaaliya iyo dib u habeynta maamulka maaliyadda ayuu sheegay Wasiirku in ay saldhig u yihiin mashaariicda la helay.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, ayaa  tilmaamay in ay wasaaradda Maaliyadda diyaarisay Qorshaha sida joogtaa loogu bixinayo mushaaraadka shaqaalaha, ciidanka iyo qarashaadka hey’adaha Dowladda ilaa bartamaha sanadka soo socda 2022.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here