Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo diiday inuu hortago xeer ilaalinta qaranka

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo war qoraal soo saaray ayaa diiday in uu maanta hortago xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo dhawaan looga yeeray isaga oo sababeeyay waxa uu ku diiday.

Wasiir Bayle ayaa qiray in ay soo gaartay warqad uga timid xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, wuxuuse si cad u sheegay inuusan u tageynin.

“Sida uu qabo qodobka 3-aad farqadiisa 2-aad, xarafka B, oo sharaxa dhismaha xafiiska garyaqaanka guud ee dowladda. Garyaqaanka guud ee dowladda wuxuu masuul ka yahay difaacida dowladda iyo xubnaha u shaqeeya, maxkamadaha hortooda,” ayuu yiri  Beyle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here