Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo kulan la qaatay hay’adda Culimada Soomaaliyeed

0

Wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr.Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa maanta kulan looga hadlayay taakuleynta Ciidamada qalabka sida la qaatay hay’adda culimada Soomaaliyeed Sidoo kale kulan waxaa looga hadlay in Culimadda Soomaaliyeed ay doorkooda ka qaataan sidii dadka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa in la garab istaago ciidamada qaranka.

Wasiir Beyle ayaa sidoo kale ku bogaadiyay culimadda Soomaaliyeed xoojinta wacyigelinta bulshada gaar ahaan muhiimadda ay leeyihiin ciidamada qaran oo har iyo habeen utaagan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed .

“Waxaa sharaf ii ah in aan la kulmo Masuuliyiinta sare ee hey’adda Culumada Soomaaliyeed, sida Shiikh Bashiir A. Salaad iyo Shiikh Cali Wajiis.

Waxa aan ka wadahadlanay muhiimadda halabuurka dhaqaalaha iyo taakuleynta ciidamada dalkeena, iyada oo la adeegsanayo Wacyigalin iyo Barnaamijyada diiniga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here