Wasiirka qorsheynta Soomaaliya oo xilkii ka qaaday agaasimihii wasaaraddaasi

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka qorsheynta xukuumadda Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta xilkii ka qaaday agaasimhihii guud ee wasaaraddaasi, Cabdiqaadir Maxamed Aadan kadib wareegto uu soo saartay, taas oo lagu wargeliyey ra’iisul wasaaraha.

Wasiir Jamaal ayaa ku eedeeyey agaasimaha inuu ku takrifal awoodeed iyo xad-gudub ku sameeyey waaxyaha ay ka kooban tahay wasaaradda iyo dhammaan shaqaalaha.

Sidoo kale wasiirka ayaa sii-haya xilka agaasimaha u magacaabay Asad Yuusuf oo ahaa madaxa xiriirka deeq-bixiyeyaasha ee wasaaradda qorsheynta Soomaaliya.

Halkan hoose ka aqriso:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here