Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

0

ISTANBUL (SMN) – Wasiirka Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya muda Cabdullaahi Abukar Haji ayaa la kulmay Dhigiisa Wasiirka Waxbarashadda Turkey Hon.Muhmut Ozer, kaasi oo ay ka wada hadlay xariirka Waxbarasho ee labada wadan, Sare-u-qaadista iskaashiga Waxbarashada iyo Cilmi baarista.

Wasiirka Waxbarashadda mudane Cabdullaahi Carab oo ka qeyb gelaya shirka iskaashiga ee Africa iyo Turkey, ayaa warbixin ka siiyay dhigiisa Turkey xaalada guud ee Waxbrashada Soomaaliya, baahiyaha ka jira, xariirka Turkey ee horumarinta Waxbrashadda iyo guud ahaan dadaalada ay dowlada Federaalka ugu jirto horumarinta Waxbrashada Soomaaliya, si ay bulshada Soomaaliyeed uga qeyb qaateen tartanka loogu jiro aqoonta iyo Waxbarashadda.

Kulanka labada Wasiir ayaa ku soo dhamaaday is afgarad buuxa ayada ay goob joog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Dalka Turkey iyo Mas’uuliyiinta Waxbarashada u qaabilsan Safaaradda Soomaaliya ee Istanbul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here