Weerar khasaare kala duwan geystay oo ka dhacay degmada Baraawe

0

BARAAWE (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab uu ka dhacay qeybo ka mid ah magaallo xeebeedka Baraawe ee gobolkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka kadib uu dagaal foolka fool ah uu dhex-maray ciidamada Xooga iyo Al-Shabaab oo weerarkooda ku beegsaday garoonka Baraawe.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda waxaa dagaalkaasi lagu dilay illaa 5 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, iyada oo gacanta lagu dhigay hubkii ay wateen.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadaan dagaalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada milatariga Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana garoonka diyaaradaa Baraawe iyo nawaaxigiisa ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya oo howl-gallo ka bilaabay halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here