Weerar ku billowday qaraxyo oo ka dhacay deegaanka Qaayib + khasaaraha

0

CADAADO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku billowday qaraxyo xoogan oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyey ciidamada Galmudug oo garab ka helaya kuwa deegaanka iyo xoogaga Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka uu ku billowday laba qarax oo gawaari loo adeegsaday, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana la soo warinayaa inay dagaalkan ku dhinteen illaa 5 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 10 kale oo isugu jiro labada dhinac.

Deegaanka Qaayib oo dhaca gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa ka mid ah meelihii ugu dambeeyey ee lagala wareegay xoogaga Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here