Weerar ku billowday qaraxyo oo saaka ka dhacay deegaanka Qaayib

0

CADAADO (SMN) – Wararka dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku billowday qaraxyo oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhexmaray Al-Shabaabkii weerarka qaaday iyo ciidamada Xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa deegaanka.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka hortageen weerarka uga yimid Al-Shabaab, kadibna gawaari sidday qaraxyada ay ku burburiyeen duleedka deegaanka Qaayib oo hoostaga magaalada Cadaado.

Dhanka kale Shabaab ayaa iyadana guullo ka sheegatay weerarkan, waxayna shaacisay in ay gudaha u gashay deegaanka, kadib ay qabsatay hub iyo gaadiid dagaal.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas iyo dagaalka xigay, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid kacsan.

Qaayib ayaa ka mid ah deegaanadii ugu dambeeyey ee lagala wareegay Al-Shabaab oo marar kala duwan kusoo qaaday dagaallo rogaal celis ah, balse waxaa ka hortagay ciidamada huwanta ee ku sugan deegaankaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here