Weerar ku billowday qaraxyo oo ka dhacay Hiiraan + khasaaraha

0

BELEDWEYNE (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilowday qaraxyo oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Burdaar oo dhaca galbeedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaabkii weerarka ku qaaday deegaankaas oo ay gacanta ku haayaan ciidamada Gorgor.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, General Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidamada Xoogga dalka ay iska caabiyeen weerarka, islamarkaana ay dileen illaa 12 ka mid ahaa xubnaha weerarka soo qaaday.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in dhankooda ay ka dhaawacmeen illaa saddex askari oo kaliya, wuxuuna xaqiijiyey in ciidamada ammaanka ay gacanta ku haayaan halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, wuxuuna weerarkan ku soo beegmayaa, xilli maalmihii u dambeeyey ay howlgallo culus ka socdeen gobolka Hiiraan, kaas oo deegaano badan looga qabsaday xoogaga Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here