Weerar ku billowday qaraxyo oo saaka lagu qaaday deegaanka Galcad

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku billowday qaraxyo is-miidaamin ah oo saaka Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay ku leeyihiin deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada huwanta iyo Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, kaas oo qaatay saacad ka badan, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in weerarkan uu ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Dadka ku dhintay weerarkan waxaa la soo wariyey inuu ku jiro Taliye ku xigeenkii Ciidanka Kumaandooska Danab, Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee hataan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab Galmudug.

Dhanka kale dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay weerarkaas ayaa shaacisay in la jabiyey Al-Shabaab, isla-markaana ay dagan tahay xaaladda deegaanka, halka kooxduna ay sheegatay inay la wareegtay xerada ay weerartay, ayna ka soo furatay hub iyo gaadiid.

Maalmihii u dambeeyay Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada gaadmada ah ee ay la beegsaneyso fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee gobollada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here