Weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal oo ka dhacay magaalada Beledweyne

0

BELEDWEYNE (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay tiro hoobiyeyaal ah oo ay xalay Al-Shabaab ku garaaceen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Hoobiyeyaasha ayaa lagu soo warramayaa inay ku kala dhaceen Xaafadda Xaawo-taako, gaar ahaan degaanka Nuur-xawaad iyo xaafadda Buundo-weyn ee magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in khasaare u badan dhaawacyo ay geysteen madaafiicda, waxaa kadib xigay howlgallo ay sameeyeen ciidamada ammaanka ee ku sugan halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada oo ku aadan weerarkaasi iyo howlgalka xigay.

Beledweyne ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida dilal qorsheysan iyo weeraro qaraxyo ah oo geystay dhimaasho, dhaawac iyo burbur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here