Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Suuqa Bakaaraha

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar maanta ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka ayaa waxaa lala beegsaday askar ka tirsan ciidamada dharcadda ee NISA, kadib markii ay rasaas ku fureen dabley hubeysan oo loo maleynayo inay tirsan yihiin Al-Shabaab, waxaana kadib meesha ka dhacay iska hor imaad u dhexeeyey labada dhinac.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan ku dhintay ugu yaraan 1 askari, iyada oo ay ku dhaawacmeen saddex kale, waxaana baxsaday raggii weerarka geystay.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi.

Magaaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka dhacayey weeraro kala duwan oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay ka dambeyso Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here