Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay degmada Balcad

0

BALCAD (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay Al-Shabaab ay ka fuliyeen degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday bar koontarool oo ku taalla degmadaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalyahanada ka tirsan Al-Shabaab ee weerarka fuliyey in ay iska soo dhigeen dad shacab ah, isla-markaana ay soo raaceen gaari rakaab ah, iyaga oo kadib rasaas ku furay askartii ku sugneyd goobta.

Ugu yaraan lix askari ayaa ku dhintay weerarkan, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Xaaladda ayaa haatan deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here