Weerarka ay Al-Shabaab ku qaaday hoteel Xayaat oo weli socdo + khasaaraha

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa weli socdo dagaal toos ah oo ka dhashay weerarkii xooganaa ee ay Al-Shabaab ku qaaday dhismaha hoteelka Xayaat oo ku yaalla agagaarka isgoyska KMA4 ee magaalada Muqdisho.

Weerarka oo ku billowday qaraxyo ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyey ciidamada ammaanka iyo ragga hubeysan ee gudaha u galay hoteelkaasi.

Xaaladda ayaa weli murugsan, waxaana ciidamada dowladda ay wadaan howlgallo lagu soo afjarayo weerarkaas, waxaana la xiray dhaq-dhaqaaqa halka uu weerarka ka socdo.

Khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa sidoo kale ka dhashay weerarkan, waxaana dadka ku dhintay ka mid ah ganacsade Cabdiraxmaan Xasan Iimaan oo ahaa milkilihii hoteelka la weeraray, Sheekh Maxamed Baabili, Cabdi Haadi Maxamed Sheekh ,Ibraahim Raage, Yuusuf Mahad Barrow iyo dad kale.

Sidoo kale waxaa dadka dhaawacmay ku jiro Nabadoon Bootan Ahmed, Guddoomiyihii hore Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo sidoo kale Daahir Caga Dahab.

Wixii soo kordho kala soco:- Shabellemedia.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here