Wiil dhalinyaro ah oo xalay Aabihiis ku dilay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Guri ku yaalla xaafada Obasiibka Xalane ee dagmada Wadajir ayaa waxaa xalay ka dhacday dhacdo xanuun badan, kadib markii wiil 20 sano jir ah uu dilay Aabihiis oo lixdan jir ahaa, isaga oo Toorey kaga dhuftay meel u dhow dhanka Wadnaha.

Aabaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cismaan Garboojo, waxaana uu ahaa tubiiste ku shaqeysta iibinta tubooyinka iyo sameyntooda, wiilka dilay ayaa isna waxaa lagu magacaabaa Cabduqaadir Cismaan Garboojo, kaasi oo ka baxsaday goobta.

Sidoo kale wiilka dilka u geystay Aabihiis ayaa la tilmaamay inuu isticmaalayey daraagis, waxaana maalmihii u dambeeyey uu maran kala dhexeeyey qoyska.

Qaar ka mid ah dadka dariska la’ah guriga uu dilka ka dhacay ayaa Radio Shabelle uga warbixiyey, sida ay wax u dheceen, waxaana dadka aan la hadalnay ay innoo sheegeen in markii hore dhaawac ahaan goobta looga qaaday Aabaha oo mar dambe geeriyooday.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa soo badanayey dilalka ka dhex dhaca qoysaska, iyada oo maalmo dhow ay aheyd markii xaafad ku taalla agagaarka Digfeer uu Aabe ka tirsan milatariga Soomaaliya uu ku dilay wiilkiisa, kadib muran xoogan oo soo kala dhex galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here