Wiil dhalinyaro ahaa oo xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo

0

GAALKACYO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay waqooyiga magaalada Gaalkacyo lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu geystay askari ilaalo ka hayey mid ka mid ah hoteellada ku yaalla gudaha magaaladaasi.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cabdimahad Cabdullaahi Maxamed, wuxuuna ku shaqeysan jiray Mooto Bajaaj, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale marxuumka ayaa ka mid ahaa ardaydii sanadkan ka qayb-gashay imtixaanka dugsiyada sare ee ay qaaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Gaalkacyo oo kala qaybisa maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here