Wiil uu dhalay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo duqeyn diyaaradeed lagu dilay

0

AFGOOYE (SMN) – Wararka laga helayo Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in habeenimadii Axadda duqeyn diyaaradeed lagu dilay wiil uu dhalay Sheekh Xasan Daahir Aweys, kaas oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Sheekh Xasan.

Marxuumka ayaa ku dhintay duqeyn ka dhacday deegaan hoostaga gobolka Shabeelaha Hoose, xilli uu ku sugnaa beer uu ku lahaa halkaasi.

Qaar ka mid ah ehellada marxuum Ibraahin Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa xaqiijiyey geeridiisa, kuwaas oo la hadlay warbaahinta.

Ibraahim ayaa dhowaan ka baxay Jaamacadda Muqdisho, waxaana munaasabadda qalin-jebintiisa goobjoog noqday Aabihiis oo haatan xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here